Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb gashay Madasha caalamiga ah ee yareynta khataraha musiibooyinka oo lagu qabtay Geneva 13-17 May 2019.
Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminayey Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hamza Said Hamza. Wasiir Hamza ayaa ka jeediyey shirka khudbadii Somalia loog tala galay oo ka hadlaysay xaalada Soomaaliya maanta ay ku sugantahay iyadoo wajaheysa khataraha ay sababeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamku ay sababaan. Wasiirka shirk aka sheegay in Soomaaliya markii ugu horeysay ay 2017 Yeelatay wasaarada la falgasha maareynta khataraha musiibooyinka taasina ay cadeyn u tahay sida Soomaaliya uga go’antahay in ay la jaan qaado dunida casriga ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey in la qoray siyaasadii qaran ee maareynta khataraha musiibooyinka taasoo hada mareysa heerkii taaba gelinta, loona baahanyahay in Soomaaliya laga caawiyo sidii loo taaba gelin lahaa.
Intii uu socday shirka ayuu Wasiirka Garaagrka iyo Maareynta Musiibooyinka ka qeyb galay Madasha golaha wasiirada caalamka oo looga doodayey sidii loo maalgelin lahaa yareynta khataraha musiibooyinka taasoo uu caalamka u gudbiyey nooca maalgelinta ay soomaaliya u baahantahay.
Waxaa sidoo kale ay wasiirka iyo wafdigiisa la kulmeen u qeybsanaha ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha yareynta khataraha Musiibooyinka Mami Mituzori oo iyadu sanadkii hore kula kulantay wasiirka Magaalada Tunis. Mami ayaa Soomaaliya ku amaantay in ay joogaan heer aad uga sareeya wadamo badan oo caalamka ka mid ah marka loo fiiriyo sida ay Soomaaliya uga go’antahay, daacadna uga tahay yareynta khataraha Musiibooyinka.
Gebegebadii shirka ayey wafdiga Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiir Hamza S. waxay la kulmeen wafdiga Dalka Turkiga oo uu hogaaminayey wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha İsmail ÇATAKLI. Labada wadan waxay ka wada hadleen sidii ay isaga kashan lahaayeen yareynta khataraha musiibooyinka iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa tababarka dhinaca shaqaalaha maareynta khataraha si ay cagaheeda isugu taagto oo aysan u baahan in mar kale loo soo gurmado.
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa u ballan qaaday Soomaaliya in ay ka caawin doonaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta xarunta Qaran ee Gurmadka Deg dega ah oo la filayo in dhawaan laga hirgeliyo Soomaaliya.
No Comments