31 May Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XJFS ayaa sahay gargaar u dirtay degmada Gaalkacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug
Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XJFS ayaa maanta sahay gargaar u dirtay degmada Gaalkacyo dhinaca dowlad gobaleedka Galmudug sahaydaas oo dhan 6.5 tan sahaydaa oo ka timid dowlada Qadar waxaana gargaarkas maanta si rasmi ah u amartay in la gaarsiiyo dadka abaaruhu asiibeen wasiirada wasaarada gargaarka iyo maareynta masiiboyinka hon. Khadijo Maxamed Diriye oo goob joogna ay ka ahayen Agasimaha guud ee wasaaradda gargaarka mudane Axmed Abukar Axmed (Axmed wali), Agaasimaha waaxda gargaarka Mudane Cabdulahi mugan, agaasimaha waaxda xiriirka dowlad gobaleedyada iyo gobalka banaadir Marwo Sahro Yusuf iyo Lataliyaha wasiirada mudane Maxamed Nur shuuriye
Sahayda gargaarka ayaa la gaarsiin doonaa dowlad gobaleedyada dhiman maalamaha soo socda si loo gaarsiiyo dadka ay Abaarta saameysay.
No Comments