24 Jul Wasaaradda gargaarka, wasaarada caafimaadka iyo Xafiiska Ra’isul wasaare Xamse ayaa si wadajir ah ugu diray laba diyaarad oo sida Gurmad Deg deg gobalka bakool gaar ahaan deegaanadda Yeed iyo aato
iyadoo la fulinaya amarka Ra’isul Wasaaraha JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa wasaarada gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka XJFS, Wasaaradda Caafimaadka iyo Xarunta Qaran ee Hawl-galka Gurmadka deg-degga ah NEOC ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha si wadajir ah maanta oo axad ah u direen laba diyaaradood oo sida raashin iyo daawooyin deegaannada aato iyo Yeed oo ka mid ah deegaano hoos yimaada gobalka Bakool ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.
Amarka Ra’isul Wasaaraha JFS Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ujeedkiisa ahaa in la gaarsiiyo gurmad deg deg ah dadka gobalka bakool oo ka soo barakaceen deegaanadda Yeed iyo aato ka dib weerarkii arxandarada ahaa ee argagixisada shabaab ku qaadeen deeganada hoos yimaada gobalka bakool.
No Comments