23 Jan Wasiirka wasaaradaa Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay safiirka Cusub ee Turkiga
Muqdisho Janaayo 23, 2019: Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Mudane Xamza Saciid Xamza ayaa la kulmay safiirka Cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambaasadooe Mehmet Yilmaz.
Wasiirka ayaa marka hore uga mahad celiyey shacabka iyo dowlada Turkiga sida ay mar walba u garab taaganyihiin walaalahood soomaaliyeed iyo kaalinta muga leh ay ka geystaan gargaarka bani’aadaminimo.
”Dowladda soomaaliya waxay xooga saareysa sidii loo maal gelin lahaa mashaariicda horumarinta si loo hirgeliyo hanaanka ka soo kabashada nugeylka. Dowladdu waxay sidoo kale aaminsantahay in ay muhiim tahay in la isku garab wado gargaarka bani’aadaminimo iyo mashaariicda horumarinta” ayuu yidhi wasiir Xamza Saciid Xamza.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaalida mudane Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in ay ka go’antahay Dowladiisa in ay awoodsiiyaan Dowlada Federaalka si ay u hesho awood ay ku yareyn karto masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ay dadku sababaan. Wuxuuna ballan qaaday in ay Wasaaradda ka caawin doonaan tababarka dhinaca maareynta masiibooyinka.
Safiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey mashaariic Bani’aadamino iyo kuwa horumarineed oo ay ka wadaan qeybo ka mid ah wadanka oo ay ka mid yihiin dhismaha biya xireenka magaalada Jowhar si buu yidhi loo yareeyo fatahaada webiga Shabelle.
Wasiir Xamza Saciid Xamza ayaa uga mahad celiyey safiirka ballan qaadkiisa iyo is garab istaaga walaaltinimo ee ay mar walba dowlada Turkigu la garab taagan tahay dowlada Soomaaliya.
No Comments